Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Madaxtooyada oo la soo Gabogabeeyey

Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Madaxtooyada oo la soo Gabogabeeyey

Waxaa maanta si guul leh u soo xirmay madaxtirinta Shaqaalaha Rayidka ah ee Madaxtooyada, oo qayb ka ah hawlgal weyn oo lagu tirakoobayo Shaqaalaha Rayidka ah ee Qaranka. Arrintaan ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka gacan ka siin doonta in ay ogaato shaqeeye walba oo ku jira nidaamka dowladda, waaxda uu ka tirsan  yahay iyo shaqada uu qabto.

Guddiyada ka shaqaynaya tirakoobka ayaa u gudbi doona madaxtirinta shaqaalaha waaxyaha iyo hay’addaha kale ee dowladda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka ayaa waxa ay waddaa dadaallo dibuhabeyn loogu sameynayo nidaaminta iyo maareynta Shaqaalaha Rayidka ah ee Qaranka, taas oo qayb ka ah xaqiijinta iyo qiimeynta tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ah ee  ka hawlgala dhamaan hay’addaha dowladda.

Natiijada qiimaynta ka soo baxda tirada iyo tayada shaqada iyo shaqaalaha waxa ay dawladda u sahlaysaa dadajinta qorshayaashii la gu horumarin lahaa tayada shaqaalaha, sare na loogu qaadi lahaa xirfadahooda shaqo si ay u gutaan wajibaadkooda shaqo, bulshada na u gaarsiin lahaayeen adeegga ay u baahan yihiin.

Maxaa loogu baahan yahay tirakoobka shaqaalaha rayidka ee dawladda?

Tirakoobku waxa uu  asaas u yahay dib-u-eegista tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee dowladda:

  • Si loo xaqiijiyo tirada saxda ah ee ka shaqeysa hay’addaha dowladda;
  • Si loo sameeyo diwaan-galin casri ah oo si hufan loogu maareeyo shaqaalaha dowladda, si dowladdu u hesho maclumaad dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha rayidka ah, taas oo sahlaysa dajinta qorshayaasha horumarineed ee dibuhabayn loogu sameynayo tayada iyo nidaamyada maareynta shaqaalaha dowladda;
  • in dawladdu hesho macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha rayidka ee dowladda oo gacan ka siinaya in ay ka baaraan-degto qorshayaasha horumarineed iyo nidaamyada lagu maaraynayo tayada shaqaalaha dowladda.

Baaxadda Tirakoobka: Dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda

  • Madax-tirinta iyo xaqiijinta tirada Shaqaalaha Rayidka ee ka hawl-gala hay’addaha Dowladda Federaalka ah ee xarumahoodu yihiin Muqdisho;
  • Dib-u-eegista iyo sameynta diiwaan-galin casri ah oo sugaysa tirada saxda ah ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda;
  • Qiimaynta nidaamyada iyo marin-raacyada lagu maareeyo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda;
  • Dib-u-eegista iyo qiimaynta nidaamka mushaar bixinta ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Kaalinta dowladda ee fulinta tirakoobka

Si hawsha tirakoobka loo fududeeyo, dowladdu waxa ay dhistay guddiyo heerar kala duwan leh oo la socda habsami u socodka shaqada tirakoobka, guddiyadaas oo kala ah:

  • Guddi sare oo ka kooban:
    • Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
    • Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka
    • Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka
    • Xoghayaha Joogtada ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
    • Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
  • Guddiga Farsamada oo ka kooban 15 xubnood oo ka kala socda wasaarado iyo ha’yaddaha dowladda oo ay hogaaminayso Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Maxaa laga rajaynayaa Tirakoobkaan?

  • Helidda tirada saxda ah ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda;
  • Helidda diiwaan-galin casri ah oo  ay ku jiraan dhammaan shaqaalaha rayidka ahi;
  • Helidda talooyin sahlaya dejinta qorshayaashii lagu hormarin lahaa nidaamyada iyo marin-raacyada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda;
  • Helidda hab casri ah oo lagu mareeyo xogta shaqaalaha iyo sugidda nidaamyada lagu la soconaya xaadirinta shaqaalaha iyo mushaharaadkooda.

Farriin

Waxaa laga codsanayaa dhammaan Agaasimayaasha Guud, Xoghayayaasha Joogtada ah, iyo Agaasimayaasha shaqaalaha maamulka iyo maaliyadda ee dhamaan hay’addaha dowaladdu in ay gacan siiyaan la na shaqeeyaan Guddiga Farsamada iyo kooxaha fulinaya hawsha tirakoobka ee dhammaan xarumaha dowladda.