Kulan looga hadlayey fududaynta barnaamijka tirakoobka Shaqaalaha Rayidka

Kulan looga hadlayey fududaynta barnaamijka tirakoobka Shaqaalaha Rayidka

Kulan ay soo agaasimeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda ee Baanka Adduunka, ay na ka soo qayb galeen dhamaan Xoghayayaasha Joogtada ah iyo agaasimayaasha guud ee qaybaha ay ka kooban tahay Xukuumadda Federaalku, ayaa ka dhacay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Md. Maxamed Cadde Mukhtaar oo daahfuray kulanka ayaa ka warbixiyey muhimadda uu leeyahay kulankan, sida ay lagama-maarmaarnka u tahay in la ogaado tirada dhabta ah ee shaqaalaha Rayidka ee Xukuumadda, iyo tayeynta shaqaalaha si kor loo gu qaado xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha.

Agaasimuhu waxa uu ku wargaliyay agaasimayaasha kale iyo xoghayayaashu in ay diyaariyaan tirakoobka shaqaalahooda iyada oo arrinta tirakoobka ay xukuumaddu u xilsaartay hay’ad madax bannaan oo tirakoobi doonta dhamaan hay’adaha kala duwan ee xukuumadda.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Md. Xasan Abshirow oo is na kulanka ka hadlay ayaa sheegay doorka ay ku leeyihiin barnaamijka tirakoobka, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin barnaamijkaan.

Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Md. Maxamed Keynaan, ayaa sheegay in dhamaan xoghayayaasha iyo agaasimayaashu ay mas’uul ka yihiin tirakoobka dhabta ah ee shaqaalaha ay mas’uulka ka yihiin. Xoghayuhu waxa uu sheegay in maanta ay halkan isu gu yimaadeen si ay isu la eegaan habraaca ay soo bandhigi doonaan Guddiga Farsamadu.

Ugu danbayntii Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulankaan, waxa na uu sheegay baahida loo qabo in la tirakoobo Shaqaalaha Rayidka, la na sugo tirada dhabta ah oo la ogaado heerkooda aqooneed, halka ay gaarsiisan yihiin.

Wasiirku waxa uu dhamaan ka soo qayb-galayaasha ku dhiirra-geliyay dardargelinta iyo hirgelinta barnaamijkaan, isaga oo ku la dardaarmay in agaasimayaasha iyo xaghayayaashu ay caddaalad sameeyaan ay na u caddaalad falaan shaqaalahooda.

This slideshow requires JavaScript.