Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullanka koowaad ee guddiga farsamadda iyo dib u habeynta maamulka iyo Shaqaalaha dowladda, kullanka ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka guddiga ee sannadkan.

Kulan ay soo agaasimeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda ee Baanka Adduunka, ay na ka soo qayb galeen dhamaan Xoghayayaasha Joogtada ah iyo agaasimayaasha guud ee qaybaha ay ka kooban tahay Xukuumadda Federaalku, ayaa ka dhacay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqaalaha…

Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa shirkada ASAL Consulting ayaa kulan wadatashi iyo aqoon-isweydaarsi ah u qabatay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Farsamada ee Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka, kulankaas oo ka dhacay Hoteelka Shabeel ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Agaasimayaal Waaxeedyo iyo madaxda qayb…

MUQDISHO — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dawladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta lagu soo gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha Dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dawladda, aqoon yahano ka kala…