Madal looga doodayey horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka dowliga ah oo la soo gabagabeeyey

Madal looga doodayey  horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka dowliga ah oo la soo gabagabeeyey

MUQDISHO — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dawladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta lagu soo gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha Dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dawladda, aqoon yahano ka kala socday dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

Waxyaalaha kulankaan looga dooday ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Dhisidda hey’adaha dawliga ah oo adkaysi u leh marxaladaha isbedelada badan ee dalka jira.
  2. Tayada hey’daha dawliga ah oo lagu cabirayo waxqabad, la qabsigooda iyo Xasiloonidooda (heer Federaal iyo heer maamul goboleedba).
  3. Doorka haweenku ku leeyihiin maamulka guud iyo shaqooyinka hey’daha dawladda.

Ugu horeynta Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha mudane Saalax Axmed Jaamac oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraday heerarka kala duwan ee ay soo mareen dhisida Hay’adaha dowliga kuwaas oo laf dhabar u ah horumar balaaran ee wadan ku talaabasado

“Shirkaan waa ka duwan yahay shirarka kale oo qabsooma, ujeedkiisuna waa inaan la imaano madal (Forum) looga dooddayo horumarrada shaqaaluhu ay sameeyaan, shirkaan waxa uu la xariiraa maamulka iyo maareynta, ee maahan mid saiyaasadeed, waxaan labada malin ee uu socda looga doodi doonaa meesha aan ka nimid iyo halka aan higsanayno, dalka horumarkiisu waa mid ku xiran in la helo shaqaale carbisan oo leh hufnaan, karti iyo aqoon, taas ayaa ka turjumaysa sidii aan u gaari lahayn Qorshaha Horumarinta Qaranka oo waxyaalaha dawladdu qabanayso mudnaanta u kala leh” ayuu yiri Wasiir Salaax.

Xiriiryaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda (CIP) ahna qaban qaabiyaha madashan Xassan Diiriye ayaa dhankiisa sheegay in madashaan ay tahay tii ugu horaysay ee dalka ka dhacda, waxaana ay noqon doontaa mid si joogta ah loo qabto sanad kasta iyadoo hada ka dib lagu soo bandhigi doono daraasad laga soo sameeyey hay’adaha dawladda federaalka iyo kuwa dawlad gobolleedyada.

Gabgabadii Madasha ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay saxaafada u akhriyey Agaaismaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxman Yusuf Al-cadalah.

  1. Ka qaybgalayaashu waxay isla garteen baahida loo qabo in lahelo sharciyo iyo siyaasado qeexan oo kala xadidaya siyaasadda iyo maamulka hay’adaha dawladda.
  2. Madashu waxay soo jeedinaysaa in ahmiyad gaar ah la siiyo in masuul kasta oo loo magcaabayo xil lagu taxgaliyo inuu xirfad u leeyahay shaqada uu qabanayo.
  3. In maamulada kala gadisan ee heer federal iyo heer mamaul goboleed ay kala fa’iidaystaan xirfadaha iyo waayo aragnimada dhexdooda ah.
  4. Madashu waxay isla garatay baahida loo qabo in la kordhiyo tayada iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala hay’adaha kala gadisan ee dowliga ah.
  5. Madashu waxay ku boorinaysaa xarumaha waxbarashada sare ee dalka in ay ku saleeyaan manahajyadooda baahida xirfadeed ee ka jirta dalka isla markaan ay dib u qiimeeyaan tayada ardayda ay soo saarayaan.
  6. Madashu waxay isla garatay ahmiyada ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee xirfad la’ah uu ka shaqayn karo dalka oo dhan aana laguna xadididin gobol iyo degaan gooni ah, badalkeedana loo tixgaliyo xirfada uu u leeyahay shaqda.
  7. Ka qayb galayaashu waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka noocaan ah iyadoo la isku raacay in sanadkiiba mar la qabto, shirkaan midka xigana waxaa loo qorsheeyey in la qabto Oktober 2018.
  8. Ka qayb galayaashu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuda shaqaalaha iyo u dhamaytirida qalab iyo xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo.

This slideshow requires JavaScript.

Ugu danbayn madashu waxay u mahadcelisay Bangiga Adduunka oo fududeeyey qabsoomida kulankaan, Xooghayaha Joogtada Xafiiskak Ra’iisul Wasaaraha, Howlwadeenada Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda, gudiga shaqaalaha rayidka ah, Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, oo dhamaantood suuragaliye qabsoomiada Madashaan, waxaa sidoo kale u mahadcelinaysaa aqoonyahanada talooyinka ka soo jeediyey iyo masuuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ee ka soo qayb galay Madashan kuna soo siyaadshay khibrad lixaad leh intii ay socotay.