Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqaalaha oo kulan wadatashi ah la qaatay Guddiga Farsamada ee Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqaalaha oo kulan wadatashi ah la qaatay Guddiga Farsamada ee Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka

Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa shirkada ASAL Consulting ayaa kulan wadatashi iyo aqoon-isweydaarsi ah u qabatay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Farsamada ee Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka, kulankaas oo ka dhacay Hoteelka Shabeel ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Agaasimayaal Waaxeedyo iyo madaxda qayb ka tirsan Guddiga Farsamada, la-taliyeyaasha Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, iyo mas’uuliyiin ka socday shirkaddaha ASAL Consulting iyo African Development Professionals Group.

Kulanka ayaa loo ga hadlay hab-maamuuska iyo hannaanka farsamo ee loo tirakoobi karo Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda.

Ka qayb-galayaasha kulanka ayaa is dhaafsaday fikrado iyo doodo ku saabsan sidii loo heli lahaa hab mideysan oo ay uga faa’iideysan karaan waqtiga uu soconayo mashruuca tirakoobka oo socon doona muddo lix bilood ah, ay na hawl wadaagayaan Guddiga Farsamada iyo wasaaraddu.

Ugudambayn, Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Md. Maxamed Cadde Mukhtaar oo kulanka soo xiray ayaa u mahadnaqay dhamaan ka soo qayb-galayaasha iyo mas’uuliyiinta ASAL Consulting. “Waxa aan filayaa in la ga faa’idaystay la na fahmay “tools”-ka la gu hawlgelayo iyo sida loo hawlgelayo ba, waxa na aan Allaah ka baryayaa in uu inoo sahlo mas’uuliyadda aan u qaadnay in aan soo tirakoobno Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda” ayuu ku soo xiray agaasimuhu.